Faransiiska oo diiday inay lasoo baxaan safiirkii Nigeria u fadhiyay ee la cayriyay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in danjiraha dalkiisa u fadhiya Niger, inaanu dalkaas ka bixi doonin. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo milateriga xukunka dalkaas la wareegay ay amar ku siiyeen danjiraha inuu dalkaas ka baxo.

Macron oo ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen danjirayaasha Faransiiska ee dalalka caalamka, ayaa sheegay Isniintii in Danjire Sylvain uu ku sii sugnaan doono dalkaas, inkasta oo cadaadis badan la saaray.

Madaxweynaha ayaa ku gacan saydhay walaaca laga muujinayo, halista ka dhalan karta, haddii la qaadan waayo amarka madaxda milateriga ee Niger, balse Macron ayaa ku adkaysanaya in “siyaasadda uu ku dhaqmayo inay tahay tan saxda ah”.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Niger ayaa Jimcihii ku amartay danjiraha Faransiiska u fadhiya dalkaas, inuu ku baxo muddo 48 saacadod ah. Tallaabadaas oo ay wasaaraddu qaaday, ka dib markii uu danjiruhu diiday inuu la kulmo madaxda cusub ee inqilaabka kula wareegtay awoodda Niger.

Madaxweynihii hore ee Niger Bazoum iyo qoyskiisa ayaa xabsi guri ku jira, tan iyo bishii July ee sannadkan.

Niger ayaa ahayd dal uu hore u gumaysan jiray Faransiisku, waxaana dalkaas ka jooga Faransiiska, ciidamo gaadhaya illaa 1,500 oo askari, kuwaas oo ka caawiya ciidamada dalkaas, hawlaha la dagaalanka kooxaha hubaysan.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.