Ganacsata degmada Caabudwaaq oo joojiyay canshuurtii wasaarada maaliyada galmudug ay qaadi jirtay waa maxay sababtu ?

MUQDISHO_AYAAMAHA- # #::Ganacsatada iyo gaadiidleyda degmadda caabudwaaq ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay lacagta canshuurta ah ee ay ka qaadi jirtay wasaarada maaliyada Galmudug.

Ganacsatadaan ayaa u sababeeyay joojinta canshuurta keddib markii maamulka Galmudug laga waayay xisaab celin iyo in degmadda ay wax ku soo noqdaan, wax hormar ahna aysan ka wadin degmadda.

Waxay sheegeen in arrintaan aysan wax xiriir ah lalahayn khilaafka kajira degmadda.

Warkaan ayaa kusoo aadaya ayadoo qilaaf siyaasadeed oo xoogan uu degmada Caabudwaaq  ka taaganyahay hadaba maxay tahay sababta ay ganacsatadu u joojiyeen bixinta canshuurta ?