Gen. Al-Burhaan oo soo geba-gebeeyey socdaalkii uu ku tegay Suudaanta Koonfureed

MUQDISHO_AYAAMAHA- Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan ayaa dib ugu laabtay Caasimadda KMG ee Port Sudan.

Jeneraal Al-burhaani ayaa booqasho hal maalin qaadatay waxa uu ku tegay Caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, oo uu shalay gaaray.

Jeneral Al-Burhan ayaa waxa uu kulan khaas ah la soo yeeshay Madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir Mayaradit,

Kulanka ayaa labada dhinac uga wada hadleen Iskaashiga Wadajirka iyo Danaha labada dal iyo dadaalka Xal-u-helista Colaada dalka Sudan.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Port Sudan ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Jeneral Ibraahim Jaabir Ibraahim oo xubin ka ah Golaha KMG ee dalkaasi, Jeneral Maxamed Al-qaali Cali Yuusuf oo ah Xoghayaha Guud ee Golahaasi iyo Tiro Wasiirada Wilaayada Badda Cas.