Gen. Al-Burhan oo ka degay Magaalada Dooxa lana kulmay Amiirka Qatar

MUQDISHO_AYAAMAHA- Madaxa Golaha haya Talada dalka Sudan,  ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay Booqasho Hawleed uga bilaabantay dalka Qatar.

Al-Burhanayaa  waxaa Garoonka Doha  (مطار الدوحة) ku soo dhaweeyey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar,  Maxamed Bin C/Casiis iyo Danjiraha Qatar u jooga Sudan, Ambassador Maxamed Bin Ibraahim.

Warbaahinta ayaa sheegtay inuu Al-Burhan la kulmay Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, iyagoo ka wada hadlay Xiriirka labada Waddan iyo xal-u-helista Colaada Sudan oo ay ku dhinteen Ku-dhawaad 5,000 oo qof, halka ay 4.8 milyan oo kalena noqdeen kuwo ku barakacay gudaha dalkooda iyo kuwo u qaxay dalalka deriska la ah Sudan,  oo ay ka mid yihiin Masar, Chad iyo Ethiopia.

Dowladda Qatar ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u wada hadli lahaayeen Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan iyo Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF,  Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo.