Guddiga Arrimaha Xabsiga dhaxe ee Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Taliyaha Boliiska

MUQDISHO_AYAAMAHA- Gudiga gaarka ah Arrimaha Xabsiga dhaxe ee Xamar ayaa kulan kula yeesheen xaruunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed firin, oo ay wehelinayaan Saraakiil ka tirsan Ciidan Boliiska.

kulankan oo uu shir Guddoominayay Gudiga Arrimaha Xabsiga dhaxe, Xildhibaan Bashiir Ameriko, ayaa daba socday kulamo hore oo looga arrinsanayay xaaladaha Xabsiyada dalka maadaama saldhigyada ay kamid yihiin meelaha ugu horeeyo soqabashada eedaysaniyaasha kaso bilaabato.

Inta uu kulanka socday ayaa waxa su’aalo lagu weydiiyay saraashiisha Ciidamada Boliiska oo hogaaminayay Taliye Booliska, si gaar ah Hoggaanka Baarista iyo Dembiyada CID aya warbixin lagaga dhagaystay oo ku saabsaneed sida ay u maareeyaan eedeysanayaasha ay kiisaskooda Gacanta ku hayaan.