Hawgalo amniga lagu sugayo oo muqdisho laga sameeyay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya, ayaa Magaalada Muqdisho iyo deegaannada u dhaw ka sameeyay howlgal ka dhan ah falalka amni darrada iyo sugida Amniga.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo ka warbixiyay howlgallada ayaa sheegay in laga sameeyay guryaha iyo goobo ganacsi, iyada oo isu socodka Magaaladu yahay mid caadi ah.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan howlgallada lagu sugayo amniga caasimadda.