Kim Jong un & Putin oo dajinaya qorshe halis ku ah Ukraine

MUQDISHO_AYAAMAHA- Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa qorsheynaya inuu bishan u safro Ruushka si uu ula kulmo Madaxweyne Vladimir Putin, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay warbaahinta wada shaqeynta la leh BBC-da ee CBS.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada in Kuuriyada Waqooyi ay Moscow siiso hub ay ku taageerays dagaalka ay ka waddo Ukraine, ayuu yiri sarkaalku.

Ma cadda goobta rasmiga ah ee lagu wado in kulankoodu uu ka dhaco.

Ma jiro wax hadal ah oo degdeg ah oo ku saabsan warbixinta, oo ay sidoo kale baahisay warbaahinta kale ee Mareykanka, ee Waqooyiga Kuuriya ama Ruushka.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay New York Times in Mr Kim ay u badan tahay inuu ku safro tareen nooca gaashaaman ah.

Kulanka suurtogalka ah ayaa yimid ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay in uu hayo xog cusub oo ku saabsan in wada xaajoodyada hubka ee u dhexeeya labada dal “uu si firfircoon horumar u sameeynayo