Maamulka Hirshabeelle oo sheegtay inay siyaasiyiin dabada ka riixayaan Dagaal Beeleedyada Kasocda gobolka Sh/Dhexe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay Colaada kasoo cusboonaatay deegaano hoostaga degmooyinka Raaga-ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada-daga.

Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dadaalo nabadeed oo lagu joojinayo colaada ka wadeen Cadale iyo Raaga-ceelle, ayna la kulmeen Odayaasha dhinacyadii dagaalamay.

Wasiir Cabdi Guure ayaa xusay inay kala hadleen dhinacyada beelaha diriray joojinta Colaada, isla markaana ay ugu baaqeen inay nabada qaatan oo joojiyaan dagaalka dhiiga ku daatay, isagoona tilmaamay colaada ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanada.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa hurinta dagaal beeleedyada kusoo lab-laabtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ku eedeeyay siyaasiyiin, oo uu sheegay inay dano gaar ah ka leeyihiin dagaalada.

Wasiirka Dib u heshiisiinta Hirshabelle Cabdullaahi Cadde ayaa isna waxa uu ku baaqay in shuruud la’aan loo joojiyo Dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, waxaana uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay ciidamo kala dhex dhigto beelaha dagaalamaya