Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku wajahan Gobolka Gedo iyo xoga laga helay

LUUQ-AYAAMAHA-Waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, kuwaas oo ka tegaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Degmada Luuq ayaa aheyd degmadii ugu horreeysay ee Maas’uuliiinta Maamulkeeda ay taageereen kuna biireen Maamulka Jubbaland, waxaana laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga ka socda Jubbaland ee Maanta halkaasi tegaya.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Luuqa iyo Saraakiisha Ciidamada, iyaga oo ka wada hadli doona sugida Amniga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.

Warraka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo mas’uuliyiinta la socda ay isku mari doonaan Saddex degmo, isla markaana ay horudhac u yihiin Madaxweynaha Jubbaland oo Maalmaha soo socda tegi doonaa Gobolka Gedo, kaas oo hadda safar ugu maqan waddanka Imaaraadka Carabta.

Maamulada degmooyinka Gedo marka laga reebo degmada Dooloow waxay taagereen MaamulkaJubbaland, iyaga oo go,aansaday inay la shaqeyaan Maamulka, halka  Guddoomiyaha degmada Dooloow Lafeey uu  diiday inuu la shaqeeyo Maamulka Jubbaland.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa khilaaf xoogan uu ka dhexjiray Mas’uuliiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo Shacabka Gobolka oo isla jira iyo Madaxda Jubbaland, taas oo keentay in ay adkaato in Maamulka Jubbaland uu ka howlgallo degaannada Gobolka Gedo.