MADAXWEYNE XASAN SHEIKH OO LAGU WADO INUU HOGAAMIYO DAGAALKA DEEGAANADA KATIRSAN GALGADUUD EE ALSHABAAB AY HAYSTAAN

MOGDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha somalia xasan sheikh maxamuud ayaa lagu wadaa in dhawaan hogaamin doono dagaalka ka dhankaa alshaabab ee lagu wado in looga xoreeyo
Degaano ka tirsan galgaduud oo ay ka midyahiin ceelbuur iyo galhareeri

Xog ay heshay warbaahinta ayaamaha ayaa sheegaysa inuu socdo diyaar garowgii ugu danbeeyay oo ay madaxweyne xasan sheikh maxamuud iyo xubno ka tirsan dowlada somalia
Ayaa ugu guurayaan magaalada dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka galmudug

Halkaas oo uu madaxweynuhu kasamaysan doono madaxtooyo kumeel gaara taas oo uu ka hagi doono dagaalka ka dhankaa alshabaab ee lagu wado in lagu xoreeyo deegaanada ka tirsan galmudug

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu madaxweyne xasan sheikh maxamuud ka noqonayo hogaan

Waxay arintani timid kadib markii dadka daga deegaanka ceelbuur ay cabasho kamuujiyeen taliskii hore ee militariga soomalia inaysan daacad ka ahayn qabsashada deegaanka ceelbuur

Waxayna sheegeen in lagu hagraday sidii ay dib ugu noqon lahaayeen deegaankooda oo ay Alshabaab maamulayeen muddo 15 sanaa kudhawaad

Xubno kamida hayadaha amaanka maamulka galmudug ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan hayada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo deegaan ahaan ka dhashay galmudug oo laguna tababaray magaalada caasimadaa ee muqdisho dhawaan lagayn doono magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamul goboleedka galmudug

Waxaana lagu wadaa inay lawareegaan amaanka magaalada caasimadaa ee dhuuusamreeb galmudug

Sidoo kale maalmo ka dib waxaa tagi doono dhuusamreeb ciidamo hordhaca ee looyaqaano vip

Kuwaas oo sugaya amniga madaxweynaha soomalia
Oo hogaan ka noqonaya dagaalka dowladu alshabaab kaga xoraynayso deeganada galmudug