Maraykanka maanta waxaa laga xusayay 22 sano guuradii kasoo wareegatay weeraradii 11 September 2001

MUQDISHO_AYAAMAHA- Dalkan Maraykanka waxaa maanta laga xusayaa 22-guuradii kasoo wareegtay weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha la afduubay ee lala beegsaday daaraihii dhaadheeraa ee xarunta Ganacsiga Dunida ee magaalada New York iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Pentagon.

Dad ku dhow 3 kun oo qof ayaa ku dhintay weeraradan, waxaana weerarkaas wax weyn ka beddelay xaaladda amniga ee caalamka iyo qaab nololeedkaba dadka Maraykanka iyo meelo kaleba.