Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Uganda oo isna la toogtay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Faah faahino ayaa laga helayaa dilal goor dhow ka dhacay albaabka laga galo Xarunta xerada Xalane gaar ahaan dhanka xiga Madiina Gate ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay kusoo warrameen in dilka hore uu Muwaadin Soomaali ah u geystay Askari ka tirsanaa ciidanka Uganda ee ku sugan albaabka laga galo Madiina Gate.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka danbeeyay, kadib markii Muwaadinka Soomaaliga iyo Askariga uu soo kala dhex-galay muran kooban oo markii dambe sababay in Ninka Soomaaliga uu tooreey ku dhufto Askariga oo durbadii dhintay.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in ciidanka UPDF ee jooga Madiina Gate ay iyaguna toogasho ku dileen Muwaadinka Soomaaliga ahaa ee dilka geystay, kadib markii uu isku dayay inuu halkaasi ka baxsado.

Goobta ay dilalka ka dhaceen ayaa waxaa ka taagan xiisad, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ay sheegayaan in la xanibay dhaqdhaqaaqa Madina Gate halkaasi oo ciidamo fara badan ay soo buux dhaafiyeen.