MW Xassan sheikh oo ciidamada dowlada ee furimaha dagaalka jooga kormeeray

MUQDISHO_AYAAMAHA- Madaxweeynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay xorreeyaan deegaannada ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii saddexaad ku sugan magaalada Maxaas, waxaana uu halkaasi ka wadaa abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.