MW Xassan Sheikh oo sheegay in Alshabaab lasoo afjari doono

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee xilligaan ka socda meelo kamid ah gobolada dalka sigaar ah Gobolka Galgaduud, kaas oo lagula wareegay degaano dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen dadka Soomaaliyeed, hayeeshee dhawaan ay soo afjari doonaan ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ddegaanoa muddo 15 sano ah ay gacanta ku hayeen hadda sinabad ah lagu marayo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigaan dhul kasta oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhulka Soomaaliya uu yahay mid baaxad weyn oo aan bilo kaliya Al-Shabaab looga saari karin, balse inta ay tabartoodu tahay ay dadaali doonaan.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo Maalmihii la soo dhaafay ay fuliyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula wareegeen degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Galgaduud.