Shaqo joojin ay ku dhawaaqeen dhaqaatiirta magaalada Galkacyo

MUQDISHO_AYAAMAHA-  Dhakhaatiirta degmada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin saddex maalmood ah, keddib markii ay dhigeen isu soo baxay ay uga xunyihiin dilka loo gaystay Dr. Zakariye Cabdi Jaamac.

Qaybo ka mid ah Isbitaalada degmada Gaalkacyo ayaa albaabada la isugu laabayaa, balse waxaa sii shaqayn doona qaybaha loogu adeego bukaanada jiifa iyo dadka la soo kulma xaaladaha deg degga ah.