Taliska CXDS oo ugu baaqay shacabka ka fogaanshaha goobaha ay Alshabaab ku suganyihiin

MUQDISHO_AYAAMAHA- Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa dadka rayidka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihin dagaalameyaal Al-shabaab, si ay uga badbaadan duqeymaha.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta xoogga dalka General Cabdulaahi Aden xuseen (Ciro ) ayaa sheegay in cidii aan ka fogaan halka ay joogaan Al-shabaab la kulmi karto weerarada laba beegsanayo Kooxdaasi.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay Ciidanka Xoogga ay xoojinaayaan howlgalka wajigiisa 1-aad dhowaana la dhameystiri doono.