Waa Maxay U jeedka Safarka Madaxweyne JFS Xasan Sheekh Maxamuud Ee Magaalada Jowhar ?

M

MUQDISHO-AYAAMAHA- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maanta safar ku gaaraan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Safarka Madaxweynaha oo aan la sii shaacin ayaa la sheegay inuu Jowhar u tegayo arimaha Hirshabelle ee la xiriira khilaafka dhanka maamulka ee Hiiraan ka taagan iyo u diyaar garoowga howlgalka wejiga labaad ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iy mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas, isagoo kala hadli doona arrimaha dagaalka Al-Shabaab iyo arrinta Hiiraan.

Ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ka socota sida aan wararka ku heleyno qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha dowladda iyo wafdigiisa.