Wasiirad shaqada looga joojiyay kulan ay la qaadatay wasiir kale darteed


MUQDISHO_AYAAMAHA-Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay soo baxday in ay magaalada Rome kula kulantay dhigeeda Israel todobaadkii hore kulan aan lala socodsiin maamulka dalkaasi. Israel ayaa ku tilmaantay kulankaas mid taariikhi ah oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal.

Laakin Najla al-Mangoush ayaa sheegtay in ay ahayd fursad iyo kulan aan rasmi ahayn intii lagu guda jiray wada hadal ay la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga. Ms Mangoush hadda waxaa ku socda baaritaan.

Waxay warbixin ku siin doontaa ra’iisul wasaaraha muddo saddex maalmood gudahood ah. Golaha madaxtooyada oo wakiil ka ah saddexda gobol ee Liibiya, ayaa sheegay inay sharci darro tahay in la caadiyeeyo xiriirka Israa’iil.

Xafiiska afhayeenka baarlamaanka ayaa Ms al-Mangoush ku eedeeyay khiyaano weyn waxayna ku baaqeen kulan degdeg ah Isniintii maanta ah.

In kasta oo uu soo hagaagayo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo qaar ka mid ah waddamada Carabta iyo guudahaan dalal Muslimiin u badan, haddana wax xiriir diblomaasiyadeed ah oo rasmi ah Israel lama laha Liibiya